Friday, June 22nd, 2018

War deg deg ah: Alshabaab oo toogasho ku diley gudoomiyihii mareereey

Published on December 24, 2015 by   ·   No Comments  ·  

5Ururka Al Shabaab ayaa fagaaro ku yaallo deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha hoose, waxa ay ku toogteen labo Sarkaal oo ka tirsaneyd Dowladda Federalka Somaliya.

Dadweyne fara badan ayaa isugu soo baxay Fagaaraha deegaanka Bariire oo daawanaayay qaabka toogashada ay u dhacday, kadib markii labadan Sarkaal ay xukuntay Maxkamada Shabaab ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Qaadiga Maxkamada Shabaab ee Shabeellaha hoose oo goobta fagaaraha ka hadlay, ayaa sheegay labadan ruux ee Dowladda ka tirsan ciidamada Shabaab inay gacanta ku soo dhigeen bilo ka hor.

Waxa uu sheegay Maxkamada inay ku xukuntay dil toogasho ah labadaasi ruux oo lagu kala magacaabo Cismaan Macalin Sheekh Axmed oo 38 sano jir ahaa oo Shabaab ay ku sheegeen inuu ahaa Guddoomiyihii deegaanka Mareereey ee Gobolka Shabeellaha hoose iyo C/fataax Ibraahin oo 27 sano jir ahaa ciidamada Dowladdana ka tirsanaa.

Durba markii xukunka lagu dhawaaqay rag u diyaarsanaa toogashada labadan xubnood ayaa rasaas ooda kaga qaaday, xilli ay ku dhawaaqayeen ALLAHU AKBAR.

Qaadiga Maxkamada Shabaabka ee Shabeellaha hoose, ayaa goobta fagaaraha ah wuxuu ka sheegay Askari waliba iyo masuul kasta oo Dowladda la shaqeeya oo ay gacanta ku dhigaan inay tooganayaan.

Xukunada Shabaabka ay ridaan ayaa inta badan wuxuu yahay mid hal dhinac ah oo dadka la xukumo aysan helin cadaalad rasmi ah.

Laacibiin: Isha Wararka Ciyaaraha Caalamka

E-mail: Laacibiin@gmail.com

Qalinka Cayaaraha Kala soco Wararka Sports oo dhameystiran

Fikirkaagu waa Muhiim

Readers Comments (0)




alertThis is the FAR COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!